Dagaal Xalay Ka Dhacay Saldhiga Booliska Degmada Hiliwaa Ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Xalay Ka Dhacay Saldhiga Booliska Degmada Hiliwaa Ee Muqdisho

Muqdisho, Mareeg.com: Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhiga booliska degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn halka ay ragaasi kazoo duuleen.

Xalay saqdii dhexe ayaa degmooyinka deriska ah la ah Hiliwa laga maqlay madaafiic iyo rasaas dhaceysa, taasoo socotay saqiiqado door ah.

Ciidamada booliska Soomaaliya ee ku sugan saldhiga booliska ayaa la sheegay iney iska difaaceen kooxda soo weerartay, islamarkaana gacanta ku dhigeen mid ka mid ragii weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho in ninka la qabtay uu ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa degmada Hiliwaa oo aan sidaa uga fogeyn saldhiga booliska.

Ciidamada booliska ayaa la sheegay iney ninkaas u adeegsanayaan inuu sheego halka ay ka yimaadeen kooxda laga reebtay iyo cidda ay ahaayeen.

Saldhiga booliska Hiliwa ayaa bilhii lasoo dhaafay la kulmayey weeraro joogto ah, hase ahaatee oo ay ku qaadayeen Alshabaab, iyadoo la ogaan la’aa halka ay kazoo duulayaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.