Dagaal xalay ka dhacay degmada Ceelbuur

Ceelbuur – Mareeg.com: Dagaal ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas Alshabaab weerar ku qaadeen.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa guul ka sheegtay dagaalka, iyagoo tilmaamay in ay dileen saddex ka tirsanaa Alshabaab.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelbuur, Axmed Kaariye Caraale ayaa sheegay in jab xooggan ay gaarsiiyeen Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayna  kala wareegeen hub ay ka carareen, sida uu yiri.

Axmed Kaariye ayaa xusay inay hayaan meydadka saddexda ay ka dileen Alshabaab soo weerartay saldhigga. Wuxuu tilmaamay in dhankooda wax khasaare ah uusan soo gaarin, ayna ku raad joogaan Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

Degmada Ceelbuur waxaa gacanta ku haya boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya eek u jira AMISOM, iyo tiro yar oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245