Dagaal Wanlaweyn Ku Dhxemaray Ciidan Isbaaro Dhigtay Iyo Kuwa Qaadayey

Read Time:1 Minute, 0 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Dagaal u dhaxeeya labo ciidaan oo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaaa manta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka oo daba socday dagaal kooban oo shalay ka dhacay degmadaas una dhexeeyay ciidammo milateri ah oo halkaas gaaray iyo kuwii horay ugu sugnaa degmada, iyadoo uu ka culus yahay dagaalka maanta kii shalay dhexmaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamo shalay gaaray degmada ay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidamo ku sugnaa degmadaas, kuwaasoo sibhaarooyn u yaalleen jidka u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Afgooye.

Laba qof oo shacab ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay dagaalka maanta halka inta kalena ay yihiin ciidamada dowladda ee dagaalku u dhexeeyo, iyadoo khasaaruhu uu intaas ka badan karo maadaama uu dagaalku yahay mid aad u culus.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu iskiis u qaboobay waxaan Wanlaweyn gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga si ay u kala dehx galaan labada ciidan ee dagaalamay oo qeyb ka mid ahaayeen isbaarooley, halka qeybta kale ahaayeen isbaaro qaad.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %