Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo saakay ka dhacay Deegaanka Miir Taqwo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo saakay ka dhacay Deegaanka Miir Taqwo

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhaxe, ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab uu saakay ka dhacay Deegaanka Miir-Taqwo.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ay wehliyaan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM , ay saakay aroor hore weerar ku qaadeen Deegaanka Miir-Taqwo, oo gacanta ugu jirtay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-Shabaab uu si xoogan uga dhacay Deegaanka Miir-Taqwo, waxa ayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan u dhaxeeyay Ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-Shabaab, dadka deegaanka ayaana lagu soo waramayaa in ay isaga carareen guryahooda iyaga oo ka cabsi qaba in waxyeelo ay kasoo gaarto dagaalka dahcay.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , ayaa maalmihii lasoo dhaafay gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay ka wadeen howlgalo ay Al-Shabaab uga saarayeen Deegaano iyo tuulooyin badan ay kaga sugnayaeen Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.