Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay G/Baay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay G/Baay

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tiran Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Daynuunaaye oo ku yaalla meel ku dhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa la sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad muddo saacad ah,iyadoona uu dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada ayaa sheegay in dagaalka dhankooda ay uga dhinteen 4 askari dhaawacna uu kasoo gaaraya 8 kale,halka Al Shabaab looga dilay dagaalka 11 Dagaalame,kuwaasi soo qaaday weerarka.

Dagaalkan ayaa yimid  kadib markii fariin Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin duleedka Deegaanka Daynuunaaye ee Gobolka Baay ay weerar ku soo qaadeen Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab,isla markaan Ciidamada dowlada ay sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!