Dagaal Saaka ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo & Wararkii ugu danbeeyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Saaka ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo & Wararkii ugu danbeeyay

Magaalada Gaalkacyo waxaa saakay ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana dagaalka labada dhinac dhax maray ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 

Dagaalka ayaa ka qarxay dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca xadka ee labada maamul wadaagaan, waxaana dagaalka uu ka dhashay muran la xariira dhul ay labada dhinac ku maran san yihiin lahaanshiyihiisa.

 

 

Inta la ogyahay dagaalkan waxaa ku dhintay 6-qof oo isugu jira shacab iyo ciidamada dagaalamay, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay in ka badan 10-qof oo kale kuwaa oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalo kuyaala Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

 

Wararkii ugu dambeeyay oon ka heleyno halka ay ku dagaalmayaana labada ciidan ee Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya in dagaalka uu xoogaa qaboobay, waxaana wali jirta xiisada dagaal iyadoona laga cabsi qabo in uu mar kale dagaal dhici karo.

 

Maamulka Puntlnad ayaa sheegay in ciidamo katirsan Galmudug ay weerar kusoo qaadeen dhankooda, waxa ayna eeda ka saareen masuuliyada dagaalka ka dhacay Gaalkacyo iyo qasaaraha ka dhashay dhinaca maamulka Galmudug.

 

Dhinaca kale Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Xirsi Yusuf Bare ayaa dhankiisa dagaalka ku eedeeyay dhinaca Puntiland, waxa uuna sheegay in ciidamo badan ay soo dhoobeen xadkooda.

 

Waxa uu sheegay Xirsi Yuusuf in uu dagaalka salka ku hayo lahaansho dhul labada maamul isku heesataan ayna Puntland dooneyso in si xoog ah ku dhisato Maxjar lagu xanaaneenayo Xoolaha laga dhoofinayo Gaalkacyo.

 

Waxgaradka iyo Culumada magaalada Gaalkacyo ayaa wada dadaalo lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo laguna xaliyo dhibaatada taagan, waxa ayna ku baaqeyn in labaa dhinac xabada joojiyaan ayna wadahadal ku dhameeyaan khilaafaadka jira.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!