Dagaal saaka ka qarxay degmada Baraawe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal saaka ka qarxay degmada Baraawe

Mareeg.com: Wararka saaka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka halkaas uu ka dhacay dagaal xoog leh, kadib markii Alshabaab oo horay halkaas uga baxay au weerar ku qaadeen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda oo saaka gudaha u galay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada ay la kulmeen dagaal.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo shalay gaaray Baraawe ayaa xalay ku sugnaa debadda magaalada kadib markii sida la yiri arrintaas ay isla garteen dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada.

Dagaalka saaka ka qarxay Baraawe ayaa la sheegay inuu yar ka qaboobay sidii uu saaka ka bilowday, waxaana wararku sheegayaan in rasaas weli laga maqlayo Kontoroolka magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaan wax weyn kazoo qaadin hubka waaweyn ee saaka laga maqlay Baraawe, wuxuuna sheegay in rasaasta la maqlay mid ciidamadu ku rideen doomo xeebta magaalada lagu arkay.

Taliyaha Qeybta 12-ka April ee ciidamada Soomaaliya Jen. Qaafow ayaa siaguna beeniyey in Alshabaab weerar rogaal celis ah saaka ku qaadeen Baraawe.

Jen. Qaafow ayaa sheegay in saaka ay si rasmi ah gudaha ugu geli doonaan dhamaan xaafadaha Baraawe, kadiba markii sida uu sheegay shalay si awood muujin ah u tageen gudaha magaalada, kadibna debadda ka fariisteen.

 

Warar badan lagama hayo khasaraaha dagaalka, maadaama inta badan dadka ku nool Baraawe ay ku jiraan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in xabaddu waxyeeleyso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!