Mareeg Media
Somalia

Dagaal Muqdisho ka dhacay & Taliye ku dhaawacmay

Inta la xaqiijiyey ilaa laba Askari ayaa geeriyootay halka taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa uu dhaawacmay,kadib dagaal Maanta gudaha degmadaas ku dhex-maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada oo sigu jiray boolis iyo Millateri ayaa waxaa ay ku dagaalameen Xaafada Bunbacoole ee degmada Hiliwaa,waxaana labada askari ee dhimatay ay ahaayeen halka uu ku dhaawacmay taliyiha Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa oo lagu Magacaabo Cali Culusow..

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in maalmahaan uu jiray muran la xiriira dhul la isku-heystay taas oo keentay in Ciidamada ka wada tirsan dowladda oo u abaabulan hab beeleed ay dagaalamaan.

Saraakiil isugu jirta Boolis iyo Millateri ayaa gaaray Xaafada Bunbacoole ee degmada Hiliwaa, iyaga oo kala dhex-galay Ciidamada wada dagaalamay,waxaana wararku sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!