Dagaal Markale Ka Qarxay Juba Iyo Kumanaan Isu Dhiibay Qaramada Midoobay

Read Time:1 Minute, 29 Second

Juba, Mareeg.com: Iska hor imaad iyo rasaas culus ayaa mar kale maanta laga maqlay caasimadda dalka Koonfurta Sudan ee Juba, iyadoo shalay madaxweynaha dalkaas Salva Kiir Mayardit uu ku dhawaaqay in la fashilyey isku day afgembi, kaasoo lagu eedeedey madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday ee Riek Machar.

Warar laga helay Koonfurta Sudan ayaa sheegaya in rasaas iyo hub culus ay saaka ka bilowdeen xero ciidan oo ku taala banaaanka magaalada caasimadda ah ee Juba.

Sarkaal ka tirsan hay’adda OXFAM ayaa u sheegay BBC in rasaasta iyo hubka culus ay gudaha usoo galeen magaalada Juba ee caasimadda ah, wuxuuna sheegay in dagaalku kusoo dhawaaday xarrumo ay leeyihiin hay’ado caalami ah oo ay megengelyo u galeen kumanaan dad ah.

Ilaa 4 wasiir ayaaa la sheegay in la xiray karib markii uu dhacay dagaalkii axadda iyo siniinta, iyadoo weli uu jiro bandow uu caasimadda kusoo rogay madaxweyne Salva Kiir.

Dhanka kale, ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Koonfurta Sudan, Toby Anzer ayaa sheegay in ilaa 13 kun ay megngelo ahaan u galeen xarrumaha Qaramada Midoobay ee ku yaalla Koonfurta Sudan.

Ergayga Mareykanka u qaabilsan Koonfurta Sudan, Donald Booth ayaa isaguna sheegay in la xiray garoonka caalamiga ah ee Juba, islamarkaana isgaarsiintu tahay mid adag.

Iska hor-imaad axadii ka bilowday Juba, soona gaaray shalay oo isniin aheyd ayaa sababay dhimashada ilaa 12 ruux, iyadoo dowladduu sheegtay in isbitaallada la geeyey ilaa 120 ruux oo dhaawac ah.

Ciidamada dagaallamay ayaa kala taageeraya madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir oo kazoo jeeda beesha Aldnga iyo ku xigeenkiisii xilka laga qaaday Riek Machar oo kasoo jeeda beesha Nuer.

Labada beelood ee Nuer iyo Aldnga ayaa waxaa ka dhaxeeya taariikh dheer oo colaadeed, waxaana beesha Nuer ku eedeysaa beesha madaxweynuhu kazoo jeedo ee Aldnga iney dhulka qabsatay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %