
Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Sanca ee Gobalka Banaadir aya ku waramaya in maanta halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo kawada-tirsan Kuwa Xasilinta Caasimada ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa la sheegay iney ku geeriyoodeen laba kamid ah askarta Ciidamadii halkaasi ku dagaalamay , inkasto markii danbe halkaasi laga qaaday labada askari ee dagaalka ku Geeriyooday.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ka wada tirsan kuwa Xasilinta Caasimada ay dagaalamayeen ku dhawaad mudo saacad ka badan.
Lama oga ilaa iminka waxa sababay dagaalka maanta Isgoyska Sanca ku dhax maray Ciidamada kawada-tirsan Kuwa Xasilinta Caasimada ee Magaalada Muqdisho.