Dagaal maanta dhax maray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Ciidamo uu wato C/samad Galan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal maanta dhax maray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Ciidamo uu wato C/samad Galan

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo beeleed daacad u ah Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari uu ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Carmo.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay qaadeen ciidamo katirsan Maamulka Puntland oo ku hubeesnaa gaadiidka dagaalka oo aad u badan , kuwaa oo weerar ku qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamada uu hogaaminayo Cabdi Samad Maxamed Galan .

Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka ayaa hada joogsaday waxaana goobihii lagu dagaalamay dib uga laabtay ciidamadii Puntland ee iyagu weerarka qaaday, walina lama oga qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka maanta dhacay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Galan, oo la hadlay Idaacad kutaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar uga yimid ciidamo uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas, waxa uuna tilmaamay in dagaalka ku jabiyeen ciidamadii soo weeraray qasaarana ay gaarsiiyeen.

Xiisad dagaal ayaa wali laga dareemayaa degmada Carmo iyo deegaano kale, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay dagaalamaan Ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada kale ee mucaardsan maamulka Cabdiweli Gaas.

Maamulka Puntland ayaana wali ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Carmo , waxaana adag in la helo warar labada dhinac ka madax banaan oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Carmo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!