Dagaal lagu hoobtay oo maalintii labaad ka socda gobollada Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal lagu hoobtay oo maalintii labaad ka socda gobollada Dhexe

Mareeg.com: Dagaal xoog leh oo u dhaxeeyo labo beelood ayaa shalay ka qarxay deegaanka Warshubo oo 100 KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, waxaana dhaawacayada labada dhinac la geynayaa labadaas magaalo.

Wararka ka kala imaanaya Cadaado iyo Dhuusamareb ayaa sheegaya in ilaa 16 qof ay ku dhinteen dagaalkaas, ayna ku dhaawacameen in ka badan 20 kale.

Wariyaasha ku sugan gobolka Galgaduud ayaa soo sheegaya in dagaalka oo xalay hakaday uu hadana saaka dib u bilwoday.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay aano hore oo dhextiilay labada beelood ee dagaalamaya.

Waxaa jira dedaalo ay sameynayaan odayaasha labada dhinac oo la xiriira sidii la qaboojin lahaa colaadda, hase ahaate weli ma guuleysan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!