Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Dowlad Deegaanka iyo wararkii ugu dambeeyay

Read Time:39 Second

Ugu yaraan 50 ruux oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaal culus, oo shalay dhexmaray Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida DDS iyo kuwa Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Canfarta ay weerar xooggan ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Dan-lahelay ee Gobolka Siti (DDS), halkaas oo ay ku laayeen Shacab iyo Ciidamo ku sugnaa.

Dagaalkaas kadib, waxa degaanka gaaray Ciidamada loo yaqaan Liyu-Booliiska ee Dowlad Degaanka Soomaalida, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan ka dhashay, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in dagaalku istaagay gabbal-dhici shalay, balse weli is horfadhiyaan labada dhinac, isla markaana laga cabsi qabo in uu sii socdo dagaalka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.