Dagaal lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shababoo ka dhacay Gobolka Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shababoo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaaladan ay geysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada ay dhaceen xalay illaa saaka, waxaana deegaanada lagu dagaalamay ay ahaayeen kuwo miyiga ah.

Taliyaha ciidamada Guutada 10aad Maxamed Cumar Cabdulle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dagaalkaas kaga dileen illaa tobaneeyo dagaalyahano oo ay ku jireen illaa saddex saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay deegaanka lagu dagaalamay ay kala ahaayeen Samatare iyo Ceel-qaboobe, waxaana uu xusay inay haatan gacanta ku hayaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uu iyana dagaalka ka soo gaaray khasaare, inkastoo aan la ogeyn tirada dhabta ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl gallo ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, inkastoo maalin ka hor ka soo baxeen deegaanka Halgan.

Dhinaca kale Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay deegaanka Halgan ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn, gaar ahaan saldhig ay ku leeyihiin Buurta Janta-kundishe, waxaana ciidamadan la sheegay in aanay ka tirsaneyn AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!