Dagaal laga cabsi qabo in Somaliland iyo Puntland uu dhaxmaro iyo ciidamada Somaliland oo heegan la geliyey, iyadoo? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal laga cabsi qabo in Somaliland iyo Puntland uu dhaxmaro iyo ciidamada Somaliland oo heegan la geliyey, iyadoo?

wararka nooga imanaya magaalooyinka Laascaaanood iyo Ceerigaabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ee ku sugan jiiddaha hore ee deegaanada gobolada Bariga Somaliland ay heegan culus galeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamadan heeganka culus galay ay dareemayaan dhaq-dhaqaaq iyo farogalin ay damacsan tahay in maamulka Puntland deegaanada xuduudaha ah ee gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn kuwaas oo ay doonayaan inay ka qoraan ciidamo dowladda dhaxe loo sameeyo.

Xogaha ay warbaahinta Allbanaadir.com heleyso ayaa sheegaya in xalay ay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay ka baxeen dhawr guuto oo ciidamada Somaliland ah,kuwaas oo kusii jeeda deegaanada Xuduudka ah ee Somaliland,waxaana ay ciidamadani yihiin kuwo gaashaamaan.

Ugu danbeyn waxa laga cabsi qabaa in deegaanada xuduuddda ah uu dagaal ku dhex maro ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!