Dagaal Khasaaro sababay oo saaka ka dhacay Magaalada Kismaayo

Kismaayo-Wararka aan saaka ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in saaka Magaaladaasi Gudaheeda ay ku dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan Maamullada Jubbaland.

Ciidamada dagaalamay ayaa ka kala tirsan kuwa darawiishta Maamulkaasi iyo weliba kuwa Booliska Magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa waxa uu abaaro aroortii saaka uu ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Xaaladda ayaa iminka yara degan kadib markii lakala dhex galay hayeeshee weli xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa meesha ay wax ka dhaceen.

Lama oga waxa ugu wacan dagaalkaasi dhexmaray  Ciidamada ka wada tirsan Maamulka Jubbaland.