Dagaal Khasaaro sababay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Khasaaro sababay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno Duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo warramayaan in dagaal qaraar uu ku dhexmaray deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubba.

Dagaalka ayaa socday muddo ku dhawaad 1 saac isagoo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah walow aan si rasmi ah loo cayimin.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ee deegaanka dagaalka ka dhacay oo aan la xiriirnay gaar ahaan Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka mid ah Saraakiishaas ayaa tilmaamay in Ciidamada maamulka Jubba ay soo weerareen ayna iska caabiyeen.

Cabdirashiid Macallin Gaas ayaa intaas ku daray hadalkiisa in illaa 9 ka mid ah Ciidamada maamulka Jubba dagaalka ay ku dileen dhankooda 1 askari uu ka dhintay.

Dhanka maamulka Jubba oo aan iyana la xiriirnay ayaa waxa ay saraakiishooda iska fogeeyeen in ay wax weerar ah ku qaadeen Ciidamada dowladda Federaalka balse ay la dagaaleen wax ay ku tilmaameen dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab oo ay sheegeen in ay khasaaro gaarsiiyeen.

Xaaladda ayaa haatan degan iyadoo dadka deegaankaasi ay billaabeen in ay isaga barabaxaan meesha dirirtu ka dhacday ee Goobweyn.

Maanta ayaa ku beegan maalintii sanad ka hor maleeshiyadii Ciidamadii Barre Hiiraale laga saaray Magaalada Kismaayo kadib dagaal ay halkaas kula galeen Ciidamada maamulka Jubbaland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!