Dagaal Khasaaro sababay oo ka dhacay Duleedka Jowhar

tuuloyin la gubay

Jowhar  (Mareeg.com)—Wararka ka imaanayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo warramaya in duleedka Magaaladaasi xalay iska hor’imaad uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.Dagaalka ayaa yimid kadib markii Fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Jowhar ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahannada Ururka Al Shabaab , waxaana Goob Joogayaal Shabelle ay u sheegeen in Iska hor’imaadku muddo uu ka soconayay duleedka Magaalada Jowhar.Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac walow aan la cayimin.Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeeelaha Dhexe oo aan xiriiro la sameynay ayaan inoo suura gelin in aan qadka taleefanka ku haleelno  si aan waxbadan uga ogaanno dagaalkaasi.