Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan Galgaduud

Read Time:52 Second

Wararka ka imaanaya deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka  iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan oo deegaan ah.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu deegaanka Godinlabe ka socday mudo  ku dhaw hal saac, isla markaana waxaa la isku adeegsadayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka u dhexeeya Ciidanka Booliska iyo Maleeyaadka deegaanka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Ugu yaraan hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen oo laba ruux kamid ah ay yihiin Maleeshiyaadka, halka kan kalena uu ka tirsan yahay Ciidanka Booliska.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii Maleeshiyaadka ay weerar kusoo qaadeen Xarun ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska oo lagu qeybinayay Raashin Mucaawino ah.

Degaanka Godinlabe ayaa qiyaastii 30 KM ujira degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaana mara laamiga isku xira degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %