Dagaal khasaare geystay oo markale ka dhacay degmada Baledxaawo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal khasaare geystay oo markale ka dhacay degmada Baledxaawo

Baled-xaawo – Mareeg.com: Ilaa 3 qof ayaa ku dhintay, tiro kalana way ku dhaawacantay dagaal maanta ka dhacay duleedka degmada Beled Xaawo oo u dhexeeya ciidamo ku sugnaa degmada iyo kuwa ka yimid dhinaca degmada Doolow.

Labo ka tirsan dadka dhintay waxay ahaayeen ciidamadii dagaallamay, halka kan saddexaad uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa daba socday dagaal toddobaadkii hore ka dhacay degmadaas, kaasoo u dhexeeyay dhinacyada maanta ku dagaalamay degmadaas, iyadoo uu dagaalka maanta ahaa mid aad u culus.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Beled Xaawo, Caddow Nuur Xasan ayaa sheegay in degmada la soo gaarsiiyay labo qof oo dhaawac ah, khasaarahana uu intaas ka badnaan karo.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Somalia oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid lasoo qorsheeyay oo lagu doonayo in degmada lagu qabsado.

“Dagaalkan waa mid laga soo qorsheeyay degmada Dooloow, waana mid lagu doonayo in maamulka Jubba uu ku qabsado degmada,” ayuu yiri Kaliil oo intaa ku daray in khasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawac ah uu dagaalka ka dhashay.

Todobaadkii hore ayaa dagaal nuucaan ah ka dhacay Beled-xaawo, waxaana dhinacba dhanka kale ku eedeeyey inuu dhibaatada wado.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!