
Read Time:2 Minute, 12 Second
Mareeg.com: Dhinacyo kala duwan ayaa ku baaqay in la joojiyo colaad laga soo sheegay deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 20 ruux oo labada beelood kasoo kala jeeda.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal lagu hoobtay oo shalay ka dhacay deegaanka Saaxo.
Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in dagaalo dhiig ku daata ay dib ugu soo laabtaan deegaanada gobolada dhexe, wuxuuna labada dhinac ugu baaqay inay nabada qaataan.
“Waxaa ugu baaqayaa walaalaha dagaalamaya inay colaada joojiyaan dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, walaalaha iyo waxgaradka deegaanka ee dagaalka ka dhex dhacay waxaa codsanayaa dagaalka in la joojiyo, wixii dhacay wada hadal lagu xaliyo ayaan dooneynaa mar rabno dagaal, ma rabno is dil, mar rabno agoon cusub”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in dagaalada ka socda Saaxo ay yihiin kuwo beeleed, islamarkaana maamulo aanay wax shaqo ah ku lahayn.
Warka gudoomiye ku xigeenka ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaar baahisay in ciidamada maamulka galmudug ka qeyb qaateen dagaalka.
“Waxaan maqalnay in lagu dagaalamay Saaxo, waana beelo halkaasi wada degan, sidaan oo kale ayeey beelo ahaan horay ugu dagaalameen, waa been abuur in aynu wada dagaalnay, qabiilkii ayaa maamulo iska sheeganaya, anaga wax naga dhaxeeyo oo aynu isku hayno malahan, anaga ciidan ma dirin Gal-mudugna uma maleynayo” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.
Waxgaradka ku dhaqan magaalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka jira deegaanka Saaxo oo duleedka uga yaala gobalka Mudug.
Waxa ay sheegeen in dagaalada aysan lahayn natiijo wax dhista, waxaana ay u sheegeen dhinacyada dagaalamaya in nabadda qaataan oo ay joojiyaan dhalinyarada la’isku dilayo.
“Walaalayaaloow dagaal wiil ma dhalee wiil buu dilaa, wax nolol ah maleh wax caaqibo ah maleh, waad ogtihiin waxa uu dhibaato leeyahay, Aakhiro miyaadan Xusuusnee, Wiil La’aan iyo Maal La’aan ayuu idin ku reebayaa, walaalayaaloow naga joojiya dagaalka” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkaan baaqa nabadeed diraya.
Wararka saaka ka imaanaya deegaanka Saaxo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka yara degan tahay sidii shalay, ka dib dagaalo ka dhacay.
Ciidamadii shalay halkaasi ku dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya, waxaana socda waan waan ay bilaabeen Odayaasha dhaqanka deegaanka si xiisadaan loo damiyo.
Dadka qaar ee Saaxo degan waxa ay bilaabeen in halkaasi ay ka baxaan, iyaga oo ka baqaya in mar kale dushooda lagu dul dagaalamo.
Dagaalka labada dhinac ayaa la sheegay inuu ka dhashay ceel biyood laga qodayyey deegaanka Saaxo.
Mareeg Media