Dagaal ka qarxay caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura

Read Time:43 Second

Mareeg.com: Dagaal xooggan iyo duqeyn ayaa ka jira meel u dhow warbaahinta dowladda Burundi, ee xarunta Bujumbura, iyadoo raadiyaha dowladda uu hawada ka baxay.

Ciidamada daacadda u ah madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa la dagaalamaya taageerayaasha ganaraal ciidamada ka tirsanaa oo isku dayay in uu afgahmbiyo madaxweynaha.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Burundi, ayaa dib u furmay, waxaana ka duulay diyaarad xamuul ah.

Waxaana si kooban u maamulayay taageerayaasha generaalka oo celiyay diyaaradii madaxweynaha, markii ay ka soo laabtay Tanzania, habeenimadii Arbacada.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Milateriga Burundi ayaa sheegay inuu fashilmay isku dayga afgambiga, laakiin Madaxweynaha ayaan wali dalka dib ugu soo laaban.

Wax dagaal ah lagama soo sheegin dibadda magaalada Bujumbura. Qalalaasaha ayaa fiday, kaddib go’aankii madaxweynaha ee ahaa inuu mar seddexaad xafiiska qabto.

Lama oga cidda ku gacan sarreyn doonta dagaalka, waxaana dhinac kasta sheegayaa inuu isagu hayo inta badan maamulka dalka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %