Mareeg Media
Somalia

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & howlgal ka socda

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay Maanta howlgallo kala duwan ka wadaan deegaano duleedka ka ah Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa waxaaay sigaar ah howlgalka uga wadaan deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 45 KM ujira magaalada Kismaayo,halkaas oo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland oo wata Gaadiidka dagaalka la arkayey iyaga oo howlgal ka sameynaya deegaanka Baar Sanguuni,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas ay ridayaan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in u jeedka howlgalkooda uu yahay sidii Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!