Dagaal gacmaha la isula tagay oo Xaafad kutaal Muqdisho ku dhex maray Shabab & NISA * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal gacmaha la isula tagay oo Xaafad kutaal Muqdisho ku dhex maray Shabab & NISA

gacmaha la isula tagay oo Xaafad kutaal Muqdisho ku dhex maray Shabab & NISA
By Admin on March 12, 2018
Wararka laga helayo degmada Kaxda Gaar ahaan Xaafadda la yiraahdo Qabuuraha 100-ka boos ayaa ku waramaya in halkaasi uu xalay ka dhacay iska hoor imaad u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid Kadib markii ciidanka dowladda Soomaaliya ay xalay saqdii dhexe ay weerar ku aadeen xaafaddaas oo sida dadka deegaanku sheegeen xilliga habeenkii ah ay soo galaan Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyey hal Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday iska hor imaadka dhax-maray ciidankan dowladda ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab,dhinaca dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ee dagaalka la galay ciidanka dowladda ayaan la xaqiijin Karin inta uu le’egyahay qasaaraha dagaalka kagaaray.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Kaxda iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa lagasoo xigtay in weerarka xalay ciidanka dowladdu qaadeen uu daba socdo dil shalay Al-shabaab ay xero barakac ay ugu geytsteen Askari ka mid ahaa ciidanka dowladda Soomaaliya,iyagoona dagaalyahanadii dilka fuliyey ay horay usii qaateen qorigii uu watay askariga ay dileen.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka banaadir Maxmed Ismaaciil iyo xubanaha kale ee amniga u qaabilsan degmadaasi oo aan la xariirnay kama aysan jawaabin wicitaankeenna.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!