Dagaal faraha looga gubtay oo xalay ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

Read Time:39 Second

Wararka aan Saakay ka heleyno Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkasi xalay uu ka dhacay dagaal xoogan.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda federaalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee Shabeellahah Hoose.

Dad deegaanka Degmada Qoryooley ayaa waxa ay inoo sheegeen in dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka cul culus uu ka dhacay Duleedka Degmada oo socday muddo Saacad ah,isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Qoryooley,

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %