Dagaal Faraha Looga Gubtay Oo Ka Dhacay G/Sanaag * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Faraha Looga Gubtay Oo Ka Dhacay G/Sanaag

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa wax ay ku waramayan in halkaasi saakay markale dagaal xoogan uu ku dhexmaray laba beel oo halkaasi wadda dega .

Dagaalkan la sheegay in uu saakay dhexmaray beelaha wadda dega Deegaanka Ceel-afweyn ayaa waxaa la soo warinayaa in uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac .

Sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 3 qof oo labada dhinac ah,wararku ayaa intaa waxa ay ku darayan uu jiro dhaawac tiro intaas ka badan.

Ilaa hada lama oga sababat rasmiga ah ee ku aadan in dagaalkaasi uu Qarxo balse wararka qaar waxaa ay sheegayaan in khilaaf in muddo ahba soo jiitamaayey uu u dhaxeeyey labadaas beelood .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.