Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Mareeg.com: Dagaal beeleed xoog leh ayaa labo beelood saaka ku dhex maraya deegaanka Deefow oo ilaa 40 KM woqooyi galbeed kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dhimashada oo gaareysa ilaa 10 ruux iyo dhaawaca ayaa u badan dhinacyadii dagaallamay, lix kamid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Baladweyne.
Qaar ka tirsan odoyaasha dhaqanka ee magaalada Baladweyne ayaa wada dadaallo lagu joojinayo dagaalka. Masuuliyiinya maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan wali ma aysan ka hadlin dagaalka.
Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245