Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Deegaan U Dhow Magaalada Xarardheere * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Deegaan U Dhow Magaalada Xarardheere

Wararka aan ka heleyno Deegaan lagu magacaabo Uumaay oo u dhow Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu xalay ka dhacay Dagaal xoogan.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Uumaay ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug iyo Ururka Al Shabaab waxaana ka dhashay khasaaro xoogan oo soo kala gaaray laba dhinac.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidanka maamulka Galmudug ay u soo dhawadeen Deegaanka Uumaay oo ay maamulaan Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Dadka Degaanka ayaa inoo sheegay in dagaal xoogan uu xalay ka dhacay Deegaanka Uumaay oo u dhow Magalaada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Xaalada Guud ee Deegaanka Uumaay ayaa maanta degan waxaana weli lasoo sheegayaa in dadka Deegaanka ay ka cabsi qabaan in markale uu dagaal halkaasi ka Qarxo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!