Dagaal Culus Oo Weli Ka Socda Degmada Warshiikh * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Culus Oo Weli Ka Socda Degmada Warshiikh

Waxaa weli dagaal xoogan uu ka socdaa gudaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiis kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay weerar xoogan ku qaadeen Xarunta Degmada Warsheekh waxaana Ciidamada weerarka qaaday hogaaminayay Taliyaha guutada 28 aad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabduqaadir Nuur Gashoombe loo yaqaano Taliye Qoondhe,iyadoona Ciidankaan weerar ku ahaa sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen Gudoomiye ku xigeenka Degmada kadib markii muran laga keenay jidgooyooyin yaallay gudaha Degmada.

Warar hoose oo ay heleyso Shabakada Mareeg ayaa sheegaya in ciidamada weerarka ku qaaday Xarunta Degmada iyo Ciidamada maamulka Warsheekh ay xalay isku dhacen iyaga oo baaritaano halkasi ka wada.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan hada ka socda Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!