Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacay Deegaan U Dhow Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug

Read Time:36 Second

Wararka aan ka heleyno deegaan u dhow Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug  oo lagu magacaabo Dumaaye  ayaa waxa ay sheegayan in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Dumaaye ayaa waxa uu dhexmaray Ururka Al Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah waxaana ka dhashay khasaaro xoogan.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalka maanta ka dhacay Deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo ka hadlayey dagaal dhawaan dad deegaanka ah iyo Ururka Al Shabaab ku dhexmaray Deegaano hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in shacabka ay ka caawin doonaan wax walbo oo Galmudug uga soo baahdaan.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %