
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro kala duwan geystay oo Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo katirsan kuwa dowladda & Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceelsaliini ee duleedka Marka,waxaana uu yimid,kadib markii xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo katirsan dowladda ku leeyihiin Awdheegle,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacad ku dhow socday.
Saraakiil katirsan Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda & Shabaab ay ka kala sheegtay Guulo kala duwan.