Dagaal Culus oo ka dhacay Sh. Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Culus oo ka dhacay Sh. Hoose

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa xalay  waxa uu ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana uu u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerareen deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle halkaas oo maalma ka hor ay Ciidanka dowladda la wareegeen,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in uu dhacay dagaal culus oo mudo saacad ka badan socday.

ilaa iyo hadda sirasmi ah looma oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas maadaama ay aheyd xilli habeen ah oo badi dadka ay wada jiifeen,isla markaana aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay doonayeen inay dib ula wareegaan deegaanka Bariire, hayeeshee Ciidamada DANAB oo ku sugan halkaasi ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.