Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baydhabo — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ee Koofur Galbeed Somaliya, ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo.

Dagaalka oo udhexeeya Ciidanka Koofur Galbeed iyo kuwa Shabaab ayaa ka dnabeeyay kadib markii dagaalyahano katirsan Shabaab ay Weerareen Ciidamo katirsan Kuwa Koofur Galbeed.

Dagaalka oo xooganaa ayaa waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidan ka soo baxay baydhabo kuna sii jeeday Degmada Qansax Dheere.

Inta la ogyahay Sadex askari oo katirsan Ciidanka Koofur Galbeed ayaa ku geeriyooday dagaalka, Sidoo kale dagaalamayaal katirsan Shabaab ayaa waxaa soo gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawacba, Dadka deegaanka ayaa sheegay iney arkayeen Meydadka Dagaalyahanada ururka Al-Shabaab iyo dhaawcayadodoa oo ay gawaari ku qaadanayaan.

Saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Baydhabo ayaa dhankooda soo sheegaya in Isbitaalka Guud ee Baydhabo la geeyay qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay Weerarka Shabaab.

Si Kastaba, Wadada udhexeysa Baydhabo iyo Qansax Dheere, waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay weeraro ay geysteen Shabaab kuwaasoo Khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Maamulka Koofur Galbeed

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!