Mareeg Media
Somalia

Dagaal Culus oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Shabaab, ayaa waxa uu dagaal culus ku dhexmaray deegaanka  ee Gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Shabaab ay weerar ku qaaden Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo muddo saacad ka badan qaatay.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo Shabaab uu dhexmaray dagaalkaasi culus oo khasaare uu ka dhashay, inkastoo Saraakiisha dowladda aysan shaacin inta uu la eeg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegteen dagaalkaas ay Ciidamada Itoobiya ku gaarsiiyeen khasaaro naf iyo maalba leh,hayeeshee ma cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helaypo deegaanka halgan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!