Dagaal Culus oo ka dhacay Baydhabo, xilli looga diyaar garoobayo Doorasho

Read Time:41 Second

Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa habeenimadii xalay ahaeyd ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa la sheegay inuu bilowday kadib markii rag la rumaysan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab oo aad isu soo abaabuley ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidanka dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin Baydhabo.

Saraakiisha Ciidanka maamulka KGS, DFS iyo AMISOM ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin dagaalkii xalay iyo khasaaraha rasmiga ah ee soo gaarey ama ay gaarsiiyeen raggii weerarka ku soo qaaday saldhigyada ciidamadu ku sugnaayeen.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay xili koonfur Galbeed ay isku diyaarineysay doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare in ay qabato maalmaha soo socda ayna shalay gaareen guddiga doorashooyinka heer maamulkaasi oo tababaro ku soo qaatay magaalada Muqdisho.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %