Dagaal Culus Oo Hada Ka Socda Deegaanka Dumaaye Ee Gobolka Mudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Culus Oo Hada Ka Socda Deegaanka Dumaaye Ee Gobolka Mudug

Dagaal xoogan ayaa hada ka socda Deegaanka Dumaaye ee u dhow Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxa uu dhaxeeyaa dadka Deegaanka ah iyo Ururka Al Shabaab sidoo kale Ciidanka maamulka Galmudug uu ku biiray dagaalka.

Maamulka Galmudug ayaa Ciidamo aad u hubeysan geeyay Deegaanka Dumaaye oo hada uu ka socdo dagaal Xoogan.

Dagaalka ka socda Deegaanka Dumaaye ayaa waxaa la soo sheegayan uu ka dhashay khasaaro xoogan oo soo gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay ku biireen dagaalka ka socda degaanka Dumaaye ee u dhaxeeya Al Shabaab iyo sidoo kale dadka deegaanka  waxaana uu sheegay in ay dileen in kabadan 26 shabaab ah.

 

La soco wixii ku soo kordha dagaalka in sha allaah.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!