Dagaal culus oo dhexmaray Daraawiishta Puntland iyo Alshabaab

Read Time:52 Second

Mareeg.com: Dagaal xoog leh ayaa maanta buuraleyda Galgala ku dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Alshabaab, kuwaasoo muddo 4 sano ah ku sugnaa Galgala. weli lama oga khasaaraha dagaalka.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda weeraraka qaaday. Warbaahinta deegaanada Puntland ayaa baahiyey in ciidamada maamulku weerar ku qaadeen goob Alshabaab isku uruursanayeen, halka warbaahinta Alshabaab sheegtay in iyagu weerarka qaadeen.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay Buuraleyda Galgala balse wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta maamulka dhawaan warbaahinta la hadli doonaan.

Alshabaab oo warar horudhac ah ku qoray baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ayaa sheegay in dagaalyahanadoodu gaareen deegaanka Sugurre oo xarrun u ahaa ciidamada Puntland, kadib markii ay halkaas weerar ku qaadeen.

Waxey sidoo kale Alshabaab baahiyeen in dagaalkii maanta ay ku gubeen labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ciidamada maamulka Puntland, kuwaasoo ay sheegeen iney ka mid ahaayeen kolonyo marayey gudaha Galgala.

Alshabaab ayaa ku xoogeystay buuraleyda Galgala sanadihii lasoo dhaafay, waxeyna dhowr jeer weeraro gaadmo ah iyo kuwa toos ah ku qaadeen ciidamada maamulka Puntland.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.