Dagaal culus oo dhex-maray Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal culus oo dhex-maray Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab

Dagaalkaan ayaa yimid,kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay barqanimadii Maanta weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari..

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalaas,waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyooday laba askari halka saddex kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Saraakiil katirsan Ciidamada Puntland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab oo ay horay u sii ogaayeen,isla markaana ay ka dileen Shan Xubnood.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin dagaalka ay Maanta kula galeen Ciidamada Puntland deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari,waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!