Dagaal Culus oo Caawa ka socda Tuulada Muuri ee duleedka Magaalada Afgooye

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabab ayaa waxuu ka socdaa Degaanka Muuri Duleedka Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen Degaanka, islamarkaana ay gacanta ku dhigteen Degaanka Muuri ee Gobolka Sh.Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Guryo dhowr ah oo ku yaalla Degaanka Muuri in ay gubanayaan maadaama halkaasi uu Dagaal ka socdo, sida goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalkan ka socda Duleedka Degmada Afgooye.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245