Janaale, Mareeg.com: Waxaa manta markale gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaal beeleed u dhaxeeya labo beelood oo mid ka mid ah sheeganeyso dhulka lagu dagaallamyo, halka beesha kalana ku doodeyso iney dhulka wax ka degan yihiin.
Dagaalka oo ka dhacay deegaano ku dhow Janaale Iyo Aw-dheegele ayaa la sheegay inuu maanta duhurkii xoogeystay, islamarkaana ku faafay deegaan lagu magacaabo Busleey Daa’uud, waxaana Isbitaalka magaalada Marko la geeyey dhaawacyo badan.
Ilaa 10 ruux ayaa la sheegaya iney ku dhinteen dagaalka manta, kuwaasoo isugu jiray dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah, iyadoo rasaastu sidoo kale leysay xoolo ka dhawaa goobaha lagu dagaallamay oo ah dhul beereed iyo dhul xoolugu daaqaan.
Dadka badan ayaa ka barakacay deegaanada dagaalada saameeyeen oo ah deegaano leh dhul aseendooyin beero ah, wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada socda.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo taliska guud ee ciidamada ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin dagaalladaas lagu joojinayo.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa dagaalka ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, wuxuuna dowaldda Soomaaliya ugu baaqay inay dadaal u gasho sidii dagaalladan lagu joojin lahaa.
Colaadda beelahan ayaa ku soo laalaabtay gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhowr jeer ooh ore alga gaaray heshiis, hase ahaate dib ayay mar kale u qaraxday.
Ma jiro wax war ah oo kazoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalkaan, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka Shabeellaha Hoosenha hadaladooda laga aqrisanayey iney u kala xaglinayaan beelaha dagaallamaya.
Mareeg.com