Mareeg.com: Dagaal u dhaxeeya labo beelood ayaa saaka markale ka qarxay deegaanka Deefow oo hoostaga magaalada baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Mid ka mid ah dadka degan tuulada Deefow ayaa saaka warbaahinta u sheegay in dagaalku qarxay waabarigii hore.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii mid ka mid ah labada beelood ay weerar ku qaadday deegaanka Deefow.
27-kii bishaan ayaa waxaa duubabka dhqanka labada beelood heshiis nabadeed ku kala saxiideen magaalada Baledweyne, iyadoo arrintaas uu gacan ka geystay maamulka gobolka Hiiraan.
Heshiiska Nabadeed ee maanta la jebiyey ayaa waxaa horay ugasyada labada dhinac Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooblle iyo Ugaas Gaarane Ugaas Aadan Ugaas Cusmaan.
Dagaalka deegaanka Deefow oo horay usoo laalaabtay ayaa hakad galay muddo ku dhow 2 bilood ah.
Mareeg Media
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %