Dagaal Beeleed Mar Kale Ka Qarxay Bariga Jowhar Iyo Siyaasiyiin Jeediyey Baaq Nabadeed

Read Time:1 Minute, 54 Second

Jowhar, November 7, 2013: Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in manta mar kale uu halkaas ka qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya labo beelood oo wada dega deegaanada dhaca bariga Jowhar.

Labada beelood ee dagaalamaya ayaa kala ah: beesha Maxamed Muuse iyo beesha Walamooy, waxaana wararku sheegayaan dagaaladan ay ka xoogan yihiin kuwii shalay dhacay.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa manta duhrukii ka qarxay Tuulooyinka Geeda-Barkaan, Timire iyo Gaafay oo ah deegaano isa saran.

Dadka ku dhaqan xaafada Buula Sheekh ee degmada Jowhar ayaa sheegay inay meel aad u fog ka arkayeen qiiq iyo uuro, iyadoo wararku sheegayaan iney jiraan tuulooyin la gubay.

Waxaa la soo warinayaa inay jiraan gurmadyo labada dhinac kala gaarayay, kuwaasoo uga imaanaya deegaanada waqooyiga bari Jowhar oo ay beelahan wada degaan, lamina oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta.

Dhinaca kale, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe oo horay xilal uga soo qabtay Gobolkaaa ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday bariga magaalada Jowhar.

Xoghayihii Guud ee Gobolka Shabellaha Dhexe C/llaahi Wehliye Caadle oo ku sugan Mareykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka soo cusboonaaday beelaha walaalaha, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Mr Caadle ayaa u jeediyay odayaasha, waxgaradka iyo culumaa’udiinka inay ku baxaan deegaanada uu dhiiga macna darada ah ku daadanayo, waxaana uu ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah u kala dhex gasho.

Sidoo kale, gudoomiyihii hore ee degmada Jowhar Fu’aad Axmed Hilowle ayaa isaguna ugu baaqay qeybaha bulshada ee ku dhaqan Jowhar inay gogol nabadeed u fidiyaan beelaha walaalaha, isla markaana loo diro Gudi ku baxa goobaha dagaalada ka socdaan.

Mr Fu’aad ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah ay ciidamo kala dhex gala ugu dirto deegaanada lagu dagaalamo, isla markaana kala dhex gala walaalaha is dilaya.

Sidoo kale, Xabiibo Nuur Gendi oo horay uga mid aheyd Xildhibaanadii Golihii deegaanka Jowhar xilligii UNISOM ayaa codkeeda ku biirisay baaqyada loo jeedinayo beelaha ku dagaalamaya duleedka Bari Jowhar.

Dagaaladdan oo horay xal looga gaaray ayaa soo cusboonaaday todobaadkii hore kadib markii mid ka mid ah labada beelood dileen dad badan oo ku sugnaa tuulo ku taalla bariga magaalada Jowhar, waxaana dhimashada labada dhinac ilaa hadda la sheegayaa iney gaareyso ku dhawaad 20 ruux.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %