
Kismaayo ( mareeg News ) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Jubbaland uu ka socdo xaafada Calanley
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka dagaalka ku bilowday, waxaana warar qaar ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo Ciidamo qaab beeleed u abaabulan iyo Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Amniga, waxaana dagaalka daba socdaa amar Maamulka Jubbaland ka soo saaray in aan wax hub ah lagu qaadan karin gudaha magaalada.
Inta la og yahay afar ruux oo uu ku jiro Nabadoon caan ka ah Kismaayo ayaa ku geeriyooday dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday madaafiic, kaddib markii ciidamadii gadoodsanaa ay galeen guri, kadibna madaafiic lagu garaacay
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalka ka dhacay, waxaa horay Kismaayo uga dhacay dagaalo qaabab kala duwan ku saleysan.
Dowlada Federalka Ayaa Markaan U darbatay ineey Qarash xoogan geliso qabaailka Si kacdoon ay ugu sameeyaan maamul goboleedka Jubalnd.
Kacdoonka Qabiilka lagu kicinaayo ayaa ka biloowday Gobolka Gado Oo qeeyb kamid ah gacanta alshaab ku jirto , khilaafka DF iyo Dowlad goboleedyada ayaa Maraya halkii ugu sareeysay , Waxaana Halis ku jira Geedi socodka Siyaasadeed ee dalka, Besha caalamka waxeey sheegtay in Lagama maarmaan ay tahay in is fahan lagu dhameeyo xaalada kacsan ee DF iyo maamul goboleedyada ka dhaxeeyso.
Email:-Info@mareeg.com
Xafiiska Kismaayo