Dagaal Beeleed Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Beeleed Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

Xudun, Mareeg.com: Dagaal sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca saddex kale ayaa shalay laba maleeshi beelood ku dhexmaray deegaan Doclaha oo 45-km dhinaca galbeed kaga beegean magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

Dagaalkan oo billowday shaly subax ayaa wuxuu ka dhashay nin maalin ka hor lagu dilay deegaankaas sida ay wararku sheegayaan, ka dibna uu halkaasi ka qarxay dagaalkan dhimashada iyo dhaawaca sababay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dgaalka uu yahay mid laba beelodo oo reer guuraa ah u dhexeeya, iyadoo maydadka dagaalka ku dhintay laba mid ah la geeyay magaalada Yagoori oo Laascaanood 52-km dhinaca Waqooyi kaga aaddan; halka magaalada Oog oo 110-km Waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood la geeyay laba nin oo dhaawac ah.

Gobolka Sool ayaa ka mid ah goboolada Soomaaliya ee ay ka dhacaan dagaal beeleedyada, iyadoo gobolkaas uu yahay mid ay ku murmayaan 3 kooxood oo mid kasta maamulkiisa sheeganayo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!