Mareeg.com Markale, saaka waxaa degaanka degaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beelood oo muddo dhowr bilood ah halkaas ku hardamaya.
Dagaalka oo bilowday saaka aroortii waxaa qaaday mid ka mid ah labada beelood, sida uu xaqiijiyey qof ku sugan halkaas oo warbaahinta gudaha la hadlay.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxaase wararku sheegayaan in khasaare kala gaaray labada dhinac uu jiro.
Dagaalada degaanka Deefow oo waqtiyo badan soo laalaabtay ayaa salka ku haya muran la xiriira dhul beereed ku yaal halkaas, kaasoo labada beelood sheegnayaan.
Dedaalo nabadeed oo colaadaas la qaboojinayey oo la qabtay marar badan ayaa guul dareystay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.