Dagaal beeleed ka Qarxey Beledweyne

Baladweyne ( Sh.M.Network)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in dagaal aad u xoogan uu maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Dagaalka ayaa u dhexeeyo labo  maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaas kuwaas oo horay ugu dagaalamay halkaas.

Warar ayaa sheegaya in dhaawacyo badan la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa weli socda iyadoona la soo sheegayo in Magaalada Wiifto laga joogi  la’yahay