Dagaal Beeleed Ka Dhacay Hiiraan Oo Sababay Dhimasho Iyo Farabadan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Hiiraan Oo Sababay Dhimasho Iyo Farabadan

Baledweyne, Mareeg.com: Dagaal beeleed salka ku haya muran dhul ayaa saaka ka qarxay deegaan dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Siddeed qof ayaa ku dhimatay, 20 kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal beeleed maanta oo Khamiis ah ka qarxay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.

Shuuriye Xuseen Xaayow oo ka tirsan waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay jiritaanka dagaalka, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Beelaha ay dirirtu u dhaxeyso oo isku haysta lahaanshaha dhul-beereed ayaa horraantii bishii la soo dhaafay gaaray heshiis xabbad-joojin ah.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa cambaareeyay dagaalka dib uga qarxay deegaanka Kabxanley.

Tulada Kabxanleey waxa ay 25 km waqooyi-galbeed ka xigtaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

4 Comments
  1. abdulkadir says

    Xaqdaradii aad umada ka gasheen ayaa hada leeydiinka gudayaa.

  2. yusuf says

    Kaabo qabiil aaqiro wax kuuma taro, ee qabii waa quran ee ka fogaada,

  3. yusuf says

    ALLAH, Ka baq oo aaqiro ha ku iib sanina aduunkaan dufoobey

  4. shafi says

    Asc. Walaalayaal waxaan indiik abyayaa ilaahay in uu xaqa idintuso ee dagaalka joojiya wax ku dhimanayaa waa soomaali ee dagaalka joojiya oo hadal wax ha lagu raadsho waar dagaalka joojiya oo maatada fiiriyo oo ilaahay ka baqa. Asc nabad ku noolaada inshalaa

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!