Gaalkacyo – (Mareeg.com): Deganaaasho ayaaa saaka laga soo sheegayaa deegaanada Dameeracad, iyo Docmo oo ka tirsan bariga gobolka Mudug, halkaaso shalay dagaal xoog leh ku dhex maray laba meleeshiyo beeled oo ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Gal-Mudug.
Iska hor imaadkana ayaa bilowday arortii hore ee shalay oo iyadoo dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo kala gaartay qaybiihii ku diriray halkaas balse waxaa markii danbe uu dagaalku istaagay ka dib markii ay halkaas ka da’en rooob ma hiigaan ah oo hakad galiyay dirirtii u dhaxaysay dhinacyadii dagaalamayay.
Ilaa Sagaal qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay in ka badanna way ku dhaawacmeen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka deegaanadaas. Dagaalka ayaa la sheegay inuu daba socda dagaal koowdii bishan ka dhacay deegaanka Godon oo u dhexeeyay labada ciidan.
Wararka saaka aanu ka helayno deegaanadas ayaa sheegaya in wali ay jiraan saansaan coladeed oo halkaas ka muuqda isla markaana ay is hor fadhiyaan meleeshiyo beeladka ku diriray deeganaas, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale halkaas ay ka dhacaan dagaalo kale waxaase jira dadaalo ka socda magaalada oo lagu qaboojinayo xasaradaha ka aloolsan may’ga gobolka Mudug.
Maamullada Puntland iyo Galmudug oo wada dega gobolka Muqdug, islamarkaana labada maleeshiyo kazoo jeedaan ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, waxaase jira waan waan ay wadaan oday dhaqameedyo labada dhinac ah.
Mareeg.com