Mareeg Media
Somalia

Dagaal Beeleed dib ugu qarxay Gobolka Galgaduud

6

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Dagaal Beeleed Xalay saqdii dhexe ka qarxay deegaanka xeraale ee Gobolka Galgaduud

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Ahlusuna ee ku biiray Maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad ku sugan gudaha deegaanka Xeraale,waxaana lagu soo waramayaa in dagaal mudo saacad ka badan socday uu halkaasi ka dhacay.

Ilaa Saddex ruux ayaa la xaqiijiyey oo labada dhinac ah inay dagaalkaas ku geeriyoodeen halka tiro ka badana ay ku dhaawacmeen,waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen inay weli cabsi dareemayaan.

Xaafadaha qaar ee deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen madaafiic leys weeydaar sanayay,waxaana dadka deegaanka xeraale qaarkood ay bilaabeen inay deegaankaasi ka barakacaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud weli dagaalkaas xalay ka dhacay deegaanka Xeraale kama hadlin, hayeeshee waxaa xusid mudan in tira dhowr jeer ay deegaankaas ku dagaalameen ciidamo taabacsan Ahlusuna iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!