Mareeg Media
Somalia

Dadweyne dhigay banaanbax looga soo horjeedo xariga Wariye Coldoon

173

Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxaa Maanta ka qabsoomay banaanbax looga soo horjeeday xariga ay u gesyteen Ciidamada Soomaaliland Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Dadweyne farabadan oo ka kala yimid Xaafadaha Magalada burco ayaa waxaa ay dhigeen banaanbaxa,iyaga oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ka mid yihiin “Coldoon Cadaalad buu rabaa” “free coldoon” iyo Erayo kale.

Xalay markii lagu xiray Magalada burco ayaa wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan in saakay waberigii hore loo soo wareejiyey Xabi ku yaalla Magalada Hargeysa,waxaana laamaha Amniga Soomaaliland aysan weli faah faahin ku saabsan sababta loo xiray Wariye Coldoon.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!